Askar ka tirsan ciidanka Kenya oo qarax khasaare gaystay lagu eegtay gobolka Waqooyi Bari

Faahfaahino dheeraad ah ayaa soo baxaya qarax khasaare sababay oo ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagu eegtay deegaan istiraatiiji ah oo hoostaga gobolka Waqooi Bari.

Inta la xaqiijiyey 3 askari oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay ka dib markii gaari Booyad ciidanku lahaayeen uu haleelay qarax miino, kaas oo ka dhacay aagga Harboole ee gobolka Gaarissa. Warar kale, ayaa sheegay in qaraxu ka dhacay degmada Faafi oo ah meel u dhow xarunta xerada qaxootiga ee Dhadhaab.

Weerarka waxaa la sheegay in looga shakisan yahay Alshabaab, balse warbaahinta Kenya oo soo xiganaysa ilo dhanka ah ayaa carrabowday in la sugayo xogta baarista ee socota—halka la tilmaamay in askarta dhaawacantay loo qaaday magaalada Nairobi si loogu soo daweeyo.

Todobaadkii hore, Hay’adaha amniga Kenya ayaa sheegay in Dhadhaab ay ka soo qabteen hub ay ku hayeen sida ay ku dooday xubno xiriir la lahaa kooxda Alshabaab, kaasi oo la doonayey in bishaan Ramadaan lagu weeraro magaalda Nairobi. Hubka la qabtay ayaa isugu jiray in ka badan 600 xabbadood oo rasaas ah, bastoolado, bambo gacmeedyo, walxo qarxa iyo daroogo, kuwaas oo dhammaantood loogu talagalay sida la sheegay bartilmaameedyo ku yaalla caasimadda Nairobi.

Weerarkan inkasta oo aanay koox sheegin masuuliyadda inay ka dambeeyeen, balse badi qaraxyada jid-galinta ah waxaa halkaasi ka gaysta Alshabaab oo ka talaaba xadka Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed