Askar ka soo cararay furimaha dagaalka oo dowladda Soomaaliya xabsi ku shubtay

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Sareeye gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ka hadalay dagaalkii shalay looga saaray Alshabaab deegaanka Geelgub ee shabeellaha Dhexe iyo qasaaraha la garsiyay kooxda ayaa sheegay in Ciidamada Asluubta ay ku lahaayeen sida hadalka u dhigay door muhiim ah.

Askar ka soo cararay furimaha dagaalka oo ka mid ah kuwa Asluubta ayuu carrabaabay Taliye Mahad in dowladda Soomaaliya ay xabsi ku shubtay, halka qaarkood baxsad ahne weli lagu daba jiro.

“Dadkii fulayga ahaa ee goobta dagaalka ka soo noqday anaga Muqdisho kuma sii deynin iyo guryahooda, waa soo qabanay waaran baan u jarnay Xabsigaan ku shubnay” ayuu yiri Taliye Mahad.

Todobaadyo ka hor Taliyaha Ciidamada Asluubta ayaa digniin ka soo saaray ciidamada furimaha hore ee dagaalka kasoo baxa, isaga oo sheegay in ciqaab adag la marsii doono Askarigii ka soo baxsada goolaha ee loo diray.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed