Askar Jubbaland ka tirsan oo ku biiray ciidankii dawladii geysay Raas-Kambooni

Ciidamo sheegay in ay ka tirsanaayeen kuwa Jubbaland ee la geeyey deegaanka Raas-Kambooni ayaa sheegay in ay ku biireen ciidamada dowladda ee halkaasi maalin ka hor la geeyey.

Saraakiisha huggaaminaya ciidamadan ayaa tilmaamay in ay diideen in dagaal ay la galaan ciidamada Qaranka, iyaga oo cararabaabay in berri wax laga heshiin doono aanay suurtagal aheyn.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ilaa iyo 80 askari oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland ay ku biireen Ciidamada Qalabka ee degaanka Raas kambooni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Goor sii horeysay Jubbalnad ayaa sheegtay in ciidamada dowladda geysay Raas-Kaambooni weerara ku qaadeen sida hadalka loo dhigay Ciidamadooda oo ku sugnaa deegaanka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed