Arsenal oo hoggaamineyso saxiixa da’yarka kooxda Red Bull Salzburg ee Oscar Gloukh

Arsenal ayaa hogaanka u hayso saxiixa weeraryahanka Red Bull Salzburg Oscar Gloukh sanadka 2024, 19-sano jirkaan ayaa wacdaro ka dhigay tartanka Yurub ee 19-jirada ee sanadkii hore, isagoo dhaliyay seddex gool, labo kalena caawiyay.

Gloukh ayaa ku bilowday xilli ciyaareedka 2023-24 isagoo dhaliyay afar gool iyo afar caawin 20 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan, waxaana uu wacdaro ka dhigay Champions League, isagoo goolal ka dhaliyay Benfica iyo Inter Milan.

Qandaraaska Gloukh ee Red Bull Salzburg ayaa socda ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2026-27, laakiin da’yarta ayaa si lama filaan ah loola xiriiriyay u dhaqaaqista kooxaha Yurub ee heer sare ah sababtuna tahay horumarkiisa joogtada ah.

Manchester United, Liverpool iyo Arsenal ayaa dhamaantood lala xiriirinayay inay ku dagaalamayaan saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe, sida laga soo xigtay majaladda Isbaanishka ee Fichajes, Gunners ayaa haatan hogaamineysa saxiixiisa.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed