Arsenal iyo Newcastle United oo tartan adag ugu jiro xiddig ka tirsan kooxda Borussia Dortmund

Arsenal iyo Newcastle United ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan kubadsameeyaha Borussia Dortmund Julian Brandt.

27-sano jirkaan ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku qaatay Signal Iduna Park ka dib markii uu kaga soo biiray Bayer Leverkusen 2019 aduun dhan £22m.

Muddadii uu la joogay kooxda reer Jarmal, Brandt waxa uu dhaliyay 36 gool waxana uu caawiyay 39 gool 185 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Arsenal iyo Newcastle ayaa labaduba xiiseynaya saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe, kaasoo horey loola xiriirinayay Liverpool.

Arsenal ayaa isha ku heysay 27-sano jirkaan, halka Newcastle ay la dhacsan tahay adeega xiddigaan.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed