Antoine Griezmann miyuu ku biirayaa Man United mise waxaa uu sii joogayaa Atletico Madrid

Antoine Griezmann ayaa lagu soo waramayaa inuusan xiiseyneynin inuu ka tago Atletico Madrid iyadoo la soo jeedinayo in Manchester United ay dooneyso saxiixiisa sanadka soo socda.

32 jirkan ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda Diego Simeone intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2023-24, isagoo dhaliyay 12 gool 16 kulan oo uu saftay.

Griezmann ayaa sidoo kale labo jeer ku lug lahaa ciyaaraha caalamiga ah ee France, isagoo 90-kii daqiiqo ee ciyaarta ciyaaray kulamadii Gibraltar iyo Greece, waxaana uu haatan dib ugu laaban doonaa Spain si uu isugu diyaariyo kulanka Atletico ay la ciyaarayso Mallorca.

Qandaraaska weeraryahanka Wanda Metropolitano ayaa lagu burburin karaa 22 milyan ginni, waxaana la sheegay in Man United ay dooneyso inay Old Trafford keento xagaaga soo aadan.

Red Devils ayaa la rumeysan yahay inay diyaar u tahay inay Griezmann siiso adduun dhan 350 kun ginni isbuucii si ay u hesho adeegiisa, iyadoo wakiilo ka socda kooxda ay dhawaan u joogeen Madrid si ay heshiis ugala hadlaan.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano, ‘ma jiraan  wararkii ugu dambeeyay ee la xiriirinayay inuu u wareegayo kooxda Man United ee  Ingariiska’ ayuu yiri.

Romano ayaa sheegay in Griezmann uu diiday lacag badan oo uu ugu wareegi lahaa Saudi Arabia bishii June ee la soo dhaafay, maadaama uu xiisaynayo kaliya inuu mustaqbalkiisa ka sii wato Atletico.

Heshiiska weeraryahanka ee Wanda Metropolitano ayaa ku eg ilaa June 2026, laakiin waxa uu dhawaan muujiyay rabitaan ah inuu u dhaqaaqo Waqooyiga Ameerika ka hor dhamaadka xirfadiisa.

HBN SPORTS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed