Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo galinkii dambe ee maanta ka dhacay deegaanka Biyo cadde oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kooxda Alshabaab.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar ku qadeen fariisimo ciidanka dowladda ku leeyihiin deegaanka Biyo cadde ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Sidoo kale, dagaalka waxaa lagu soo waramayaa in meelo ka fog deegaanka laga maqlay dhawaaqa hubka culus oo ay labada dhinac isku adeegsanayaan.
Geesta kale, muuqaal lagu sheegay in uu deegaan yahay ayaa muujinaya uur madow oo cirka ku shareeran taasi oo la tilmamaay inay tahay xaruntii maamulka oo kooxdu dab qabadsiisay, balse ma hubto HBN ONLINE TV xaqiiqada sheegashooyinkan.
Weli laga oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhcay deegaanka Biyo Cadde. Dagaalkaan ayaa ah mid daba socda dagaalo qaraar oo maalmahii lasoo dhaafay ku dhexmaraayay qaar ka mid ah deegaanada iyo degmooyinka gobolka Shabeellaha Dhexe ciidamada xoogga dalka iyo kuwa kooxda Alshabaab.
HBN ONLINE TV