Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa shaacisay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegeen deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib howlgal milatari oo qorsheysan oo lagu beegsaday Alshabaab.
Howlgalkan oo uu hoggaaminayay Taliyaha Guutada 7-aad ee Qeybta 12-aad, G/sare Axmed Gaashaan, ayaa lagu sheegay mid lagu jabiyay sida hadalka loo dhigay kooxda Alshabaab, kuwaas oo lagu qasbay in ay ka cararaan goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen, una baxsadaan dhanka dhulka miyiga ah.
G/sare Gaashaan ayaa sheegay in guushan milatari ay tahay tallaabo muhiim ah oo ka turjumaysa dadaalka joogtada ah ee Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Qalabka Sida ay ugu jiraan ciribtirka Alshabaab, gaar ahaan gobollada koonfureed ee dalka.
Waxaa uu intaa ku daray in ciidamada ay wadaan baaritaano ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka deegaannada laga xoreeyay, si looga hortago khataraha ka imaan kara waxyaabaha qarxa iyo weerarro gaadmo ah oo lagu waxyeelleyn karo shacabka deegaanka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in la xoreeyo dhamaan dhulka ay ku dhuumaaleysanayaan Alshabaab, iyadoo shacabka Soomaaliyeed lagu dhiirrigeliyay inay garab istaagaan ciidamada ammaanka, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta iyo dowladnimo buuxda.
HBN ONLINE TV