Alshabaab oo qabsatay deegaanka goobo, xili ay isku fidiistooda degdegga ah ee Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyey in kooxda Alshabaab ay maanta si buuxda ula wareegtay deegaanka Goobo, oo qiyaastii 15-km waqooyi kaga beegan degmada Maxaas. Sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah, maleeshiyada Alshabaab ayaa gudaha u gashay deegaanka kadib markii ay isaga baxeen ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ee halkaas ku sugnaa.

Qabsashada Goobo ayaa timid iyadoo aan wax iska hor imaad ahi dhicin, taasoo muujinaysa xaaladda cakiran ee dhanka ammaanka ee ka jirta gobolka, gaar ahaan waqooyiga Hiiraan. Deegaankani wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray abaabulka kacdoonnadii lagaga horjeeday kooxda Alshabaab tan iyo markii la bilaabay gulufka ciidanka shacabka iyo dowladda federaalka.

Goobo waxay ku taal meel muhiim ah oo xiriirisa gobollada Hiiraan iyo Galguduud, iyadoo waddo muhiim ah oo aadda magaalada Guriceel ay ka baxdo deegaankaas. Qabsashada Alshabaab ee Goobo waxay siin kartaa marin istiraatiiji ah oo ay kaga sii gudbi karaan xuduudaha labada gobol, taasoo khatar hor leh ku keeni karta ammaanka guud ee gobollada dhexe.

Kooxda Alshabaab ayaa tan iyo horaantii sanadkan si degdeg ah isugu fidisay gobollada Hirshabeelle. Isbuucii hore waxay la wareegeen degmada Maxaas, halkaas oo muddooyinkii dambe laga waday howlgallo culus oo ay hogaaminayeen ciidamada deegaanka iyo Xoogga Dalka, waxayna 13 sano ka madax banaaneed gacanta.

Goobo waxay noqoneysaa tii ugu dambeysay ee gacanta dowladda iyo Macawisleyda ka baxda, iyadoo sidoo kale la waayay gacan ku hayntii meelo muhiim ah sida Aadan Yabaal, Moqokori, Yasooman, Aboorrey, Masaajid Cali Gaduud, Afarta Tuullo, Alkowthar, Daaru-Nicma, Ceelbaraf iyo Maxaas.

Ilaa iyo hadda, dowladda federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin qabsashada deegaanka Goobo, iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo dib u gurashada ciidamada iyo hoos u dhaca dhanka istaraatiijiyadda dagaalka ee gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Qabsashada Goobo waxay si weyn u muujineysaa sida ay qabaan quburada amniga khatarta ay weli kooxda Alshabaab ku hayaan amniga gudaha dalka, isla markaana waxay farta ku fiiqeysaa baahida loo qabo dib u habeyn ciidan iyo is-kaashi joogto ah oo lala yeesho dadka deegaanka si loo joojiyo fiditaanka kooxda

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed