Wararka laga helayo xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaallamayaal ka tirsan Alshabaab ay ku sii siqayaan deegaanno hor leh oo ku yaala bariga gobolka Hiiraan kaddib markii aagagga qaar ay dib uga gurteen miliishiyooyinka qabaa’ilka deegaanka. Baqdin ayaa soo food saartay dadka reer miyigi ah ee dhulkaasi ku nool oo muddaba dagaal kula jiray Alshabaab.
Wararku waxa ay intaas ku darayaan in aan maanta aan lasoo werin wax iska hor imaadyo ah, xaaladduna ay deganeyd laakin maalintii shalay ahayd ayaa la sheegay in dagalllamayaal ka tirsan Alshabaab ay galeen tuulada Ceel Qooxle oo ka tirsan gobolka Hiiraan taas oo qiyaastii dhowr iyo labaatan Kiilow mitir u jirta magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Dagaallo ayaa waxa ay in Muddo ah ka socdeen inta u dhaxeeysa magaalooyinka Moqokori iyo Aaden yabaal oo kakala tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe iyadoo dagaallamayaasha Alshabaab ay xoogga saarayeen sidii ay deegaanada Aadan Yabaal iyo Moqokori ay gacanta ugu dhigi lahaayeen laakin waxa ay iska caabin xoog leh kala kulmeen maleeshiyooyinka qabaa’ilka oo ay taageerayaan ciidamada dowladda sidoo kalena dhinaca cirka ay ka taageerayaan dowladda ciidamadeeda iyo saaxibada caalamiga ah, lakain taas Alshabaab kama baajin in ay marba marka ka danbeysa ay kusii siqaan tuulooyinka deegaanadaas u dhaxeeyo.
Maalintii shalay ahayd dagaallamayasha Alshabaab waxa ay si nabad ah ku galeen tuulaada la yiraa Ceel Qooxle iyaga oo maleehsiyaadka qabaa’ilka ee tuuladaasi joogay ay dib uga gurteen.
Saraakiisha degaanadaas ayaa BBCda u sheegay in dagaallamayaasha Alshabaab ee soo galay deegaanadaas ay go’doon ku jiraan hasa yeeshee wax iska hor imaadyo ah maanta kama aanay dhicin deegaanadaas.
Alshabaab ayaa isku dayayay in ay ugu danbeyn u gudbaan xadka gobolka Hiiraan iyaga oo kasoo tallaabaya gobolka Shabeelaha Dhexe.
Guddoomiyah Degmada Moqokori oo BBCda la hadlay ayaa sheegay in uu xaalad dagaal ku jiro islamarkaasina ciidamadiisa iyo kuwa deegaanka uu abaabulayo sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada Alshabaab si gaar ah shabaabka shalay soo galay tuulada Ceel Qooxle.
Xigasho BBC Somali
HBN ONLINE TV