Alshabaab horjoogayaal ku jiraan oo lagu dilay Shabeellaha Hoose

War goordhow kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa lagu sheegay howlgal gaar ahaa oo ay fuliyeen Ciidamada gaarka ah ee Danab in lagu dilay 25 xubnood oo Alshabaab ah oo ay ku jiraan tiro horjoogayaal ah, kaasi oo ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose.

Sida lagu sheegay bayaanka DFS howlgalka ayaa waxaa fuliyey Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna ka dhacay tuulada Gaalware oo 4-Km dhanka bari kaga beegan deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.
“Hawlgalkan ayaa lagu khaarijiyay in ka badan 25 ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, oo ay ku jireen saddex horjoogayaal sare” ayaa lagu yiri war saxaafadeed lagu daabacay warbaahinta afka dowladda ku hadasha.

Sidoo kale, warka ayaa intaasi ku daray in ciidamada ay gacanta ku dhigeen hub fara badan oo ay Alhabaab adeegsanayeen, oo ay kamid yihiin; lix qori oo nooca PKM ah, labo RPG (Dabajeex) iyo 17 AK-47, waxaana halkaas lagu burburiyey sida hadalka loo dhiagy “dhagartii ay abaabulayeen kooxdaas”.

DFS waxay tilmaantay in had iyo goor ka go’an tahay ciribtirka Alhabaab iyo sugidda amniga guud ee dalka, iyada oo kaashaneysa Ciidanka Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed