Aljeeriya oo martigelinaysa in ka badan 100 arday Soomaaliyeed oo sanadkan waxbarasha sare ka bilaabi doona jaamacadaha dalkaas

Dowladda Aljeeriya ayaa ku dhawaaqday in ay martigelin doonto 110 arday oo Soomaaliyeed sannad-dugsiga jaamacadeed ee 2025–2026, taasoo qayb ka ah barnaamij cusub oo waxbarasho oo sare, looguna talagalay xoojinta iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Go’aankan ayaa lagu shaaciyay intii lagu guda jiray booqasho rasmi ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ku tegay magaalada Aljeer, halkaas oo uu kulan kula yeeshay dhigiisa Aljeeriya Cabdelmajiid Tabuun.

Madaxweyne Tabuun ayaa sheegay in barnaamijkan uu yahay “tallaabo lagu dardargelinayo iskaashiga labada dal ee dhinaca waxbarashada sare,” isagoo xusay in Aljeeriya ay sidoo kale bixineyso deeqo waxbarasho dheeraad ah oo ku saabsan tababarrada farsamada, booliska iyo difaaca.

Mas’uuliyiinta labada dal ayaa sidoo kale ku heshiiyay barnaamij fulineed oo afar sano ah (2026–2029), kaas oo lagu hirgelin doono mashaariicda ka dhasha heshiiska waxbarashada sare. Barnaamijkan ayaa diiradda saari doona maareynta deeqaha waxbarasho, xoojinta tababarrada xirfadeed, iyo ballaarinta iskaashiga jaamacadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqashadiisa ku tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta xiriirka labada dal, isagoo yiri: “Waxaan saxiixnay heshiisyo muhiim ah oo dhisaya aasaaska marxalad cusub oo iskaashi oo dhex marta Soomaaliya iyo Aljeeriya, kuwaas oo ka tarjumaya rabitaankeena wadajirka ah ee ah in aan saaxiibtinimadeenna taariikhiga ah u beddelno iskaashi wax ku ool ah oo faa’iido u leh labada shacab, kana qayb qaata horumarka gobolka iyo Afrika guud ahaan.”

Barnaamijkan waxbarasho wuxuu qayb ka yahay heshiisyo ballaaran oo labada dal ku kala saxiixdeen dhinacyada beeraha, tamarta, ganacsiga, amniga, iyo ka-dhaafista fiisaha dadka wata baasaboorada diblomaasiyadeed.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sheegay in tallaabadani ay muujineyso sida Aljeeriya uga go’an tahay taageeridda horumarinta waxbarashada gobolka, isla markaana ay ka turjumayso dadaalka Soomaaliya ee ku wajahan ballaarinta iskaashiga caalamiga ah ee fursadaha dhalinyaradeeda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed