Algeria oo balanqaaday taageero ay Soomaaliya kaga Caawinayso dagaalka ka dhanka ah Argagixisada

Dowladda Algeria ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaar u tahay in ay Soomaaliya ka taageerto dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada, iyadoo ka faa’iidaysaneysa khibradeeda dhanka la-dagaalanka xagjirnimada iyo kooxaha hubeysan. Balanqaadkan ayaa yimid kadib kulan rasmi ah oo dhexmaray Guddoomiyaasha laba gole ee Algeria, Ibraahim Boughali, iyo Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur Madoobe, oo booqday magaalada Algiers.

War-saxaafadeed si wadajir ah looga soo saaray kulanka ayaa lagu sheegay in Algeria ay si buuxda ugu diyaar tahay in ay Soomaaliya la wadaagto waayo-aragnimadeeda dhanka amniga iyo xasillinta, si gaar ahna diiradda loo saaro sidii loo cirib tiri lahaa sida hadalka loo dhigay kooxaha argagixisada ah ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Guddoomiye Boughali ayaa caddeeyay in xasilloonida Soomaaliya ay muhiim u tahay nabadda guud ee gobolka Carabta, isagoo sheegay in Algeria ay garowsan tahay muhiimadda iskaashi dhab ah oo lala yeesho Soomaaliya.

Dhankiisa, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay in uu aad u bogaadinayo taageerada Algeria iyo doorka ay ka qaadaneyso arrimaha nabadda gobolka. Waxa uu ku baaqay in la xoojiyo xiriirka labada Baarlamaan iyo in kor loo qaado iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, waxbarashada, dhaqaalaha iyo tababarada.

Intii uu socday kulanka, labada mas’uul waxay wada gaareen is afgaradyo dhinacyada, in la is-weydaarsado booqashooyin rasmi ah oo heer Baarlamaan, in la qabto tababaro iyo aqoon-is-weydaarsi la xiriira howlaha sharci dejinta iyo la-dagaalanka argagixisada, iyo in si guud loo xoojiyo xiriirka labada dal.

Kulankan cusub ayaa lagu tilmaamay mid istiraatiiji ah oo kor u qaadi kara iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Algeria, xilli Soomaaliya ay wajahdo dadaal weyn oo lagu xasilinayo dalka, lagana saarayo kooxaha loogu yeero Argagixisada oo amniga caqabadda ku ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed