Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin duleedka degmada Balcad.
Weerarka ayaa la sheegay in uu ku bilaawday qaraxyo waaweyn oo lala eegtay fariisin ay ciidamada NISA ku leeyihiin degmada, waxaana qaraxyada kadib xigay dagaal toos ah oo dhexmaray kooxda iyo dowladda, kaa soo dhaaliyay khasaaro kala duwan oo iskugu jiro dhimasho, dhaawac, iyo burbur.
Sawirro horudhac ah oo laga helay weerarkii saaka ayaa muujinaya qarax xooggan oo ka dhashay qaraxyadaasi iyo qiiq madow iyo ceeryaamo badan ayaa is qabsaday hawada degmada Balcad.
Dagaalka muddo saacad ah socday ayaa ciidamada dowladda waxay ka hortageen kooxdii weerarka soo qaaday, isla markaana uu dhexmaray dagaal faraha looga gubtay, oo si weyn looga dereemay guud ahaan magaalada Balcad.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi inkastoo kooxdu ay sheegtay in ay gudaha u galeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugida oo halkaasi ku sugnaa.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la fashiliyay weerarka qaraxyada, kaddib markii gaari waxyaabaha qarxo laga soo buuxiyay magaalada ay doonayeen in ay soo galiyaan maleeshiyaadka kooxda.
Balse Qoraal kooban oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu yiri:
“Ciidamada Qaranka ayaa saakay fashiliyey dhagar ay Khawaarijtu u soo maleegtay shacabka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, kadib markii gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay isku dayeen inay magaalada soo geliyaan.
Dowladdu sidoo kale waxaa sheegtay in aysan jirin khasaaro soo gaaray dadka shacabka ah, balse ay ku dhaawacmeen ilaa seddex askari
“Guryo ay lahaayeen dad shacab ah ayaa ku burburay qaraxaas la fashiliyey, mana jirto dhimasho ah oo soo gaartay shacabka, markii laga reebay dhaawacyo fudud oo soo gaaray saddex askari oo fashilisay dhagartaas” ayey tiri dowladdu.
Warar madax bannaan ayaa sheegaya in kooxdii weerarka soo qaaday looga dilay ilaa seddex askari, halka uu ku dhintay askari ka tirsan ciidamada dowladda.
HBN NEWS DESK