Al-Shabaab oo weerar gaadmo ah ku dilay askar ka tirsan Koonfur Galbeed Shabeellaha Hoose

Wararka ka i maanaya gobolka shabeellaha hoose ayaa sheegay in Alshabaab weerar gaadmo ah ku dileen labo askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed maanta oo Talaado ah, xilli ay ku socdaalayeen wadada xiriirisa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Askartan ayaa la sheegay in ay ka soo ambabaxeen degmada Wanlaweyn, waxaana ay ku sii jeedeem Afgooye markii la weeraray. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Afgooye oo ku aadan dhacdadaasi.

Wanlaweyn oo qiyaastii 60-KM dhanka galbeedka kaga beegan degmada Afgooye ayaa waxaa wadadaasi xiriirisa marar badan askarta dowladda ay kala kulmaan weeraro soo boodo ah, waxaana jidka adag isticmaalkiisa, maadama burbur xooggan uu ka jiro.

Bilihii la soo dhaafay weeraro gaadmo ah iyo qaraxyo jidgal ah ayaa ku soo badanayay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, iyada oo ciidamada milateriga Soomaaliya ay xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed