Agaasimihii hore ee CIA-da oo weeraradii qaraxyada isgaarsiinta ku sifeeyay “fal argagixiso”.

Agaasimihii hore ee CIA-da Leon Panetta ayaa ku tilmaamay weeraradii ugu dambeeyay ee loo adeegsaday qalabka isgaarsiinta ee ka dhacay dalka Lubnaan ay yihiin “nooc argagixiso”.

Leon Panetta ayaa wareysi uu siiyay telefishinka CBS News ee dalka Mareykana waxa uu ku sheegay in weeraradan, oo ay ku dhinteen tobanaan qof, kumanaan kalena ay ku dhaawacmeen, “ay yihiin nooc argagixiso,” oo ay u badan tahay inay horseedaan hawlgallo dhiig badan ku daato inta uu dagaalka socdo.

“Awoodda la galiyo walxaha teknolojiyadda ayaa ah mid aad u baahsan muddooyinkan, ka dibna u beddelaya qalab loogu adeegsada weerarrada argagixisada. Dhab ahaantii tani waa mid cusub marka la eego weerarrada argagixisada” ayuu yiri madaxii hore ee laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.

Mar la weydiiyay in weerarradaas uu ka walwasan yahay Leon Panetta wuxuu yiri;
“Runtii aad ayaan uga walwalsanahay. Tani waa xeelad cawaaqib xun leh, mana garanayno waxa cawaaqibtaasi ay yihiin. Horey dagaalka wuxuu inta badan u ahaa mid ciidamada ku lug leeyihiin laakiin ma garanayo waxa hadda soo socda”
Toddobaadkii hore laba weerar oo loo adeegsaday qalabka isgaarsiinta ee loo yaqaan pagers (PAYJERIS) ayaa sababay dhimashada tobanaan qof iyo dhaawaca kumanaan, oo ay ku jiraan dad rayid ah.

Ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in aaladaha isgaarsiineed ee qaraxyada loo adeegsaday la keenay dalka Lubnaan 5 bilood ka hor, isla markaana walxo qarxa lagu dhajiyay qalabkaasi.
Wargeyska Wall Street Journal ayaa sidoo kale soo xigtay ilo xog ogaal ah oo sheegaya in aaladaha isgaarsiineed ee la bartilmaameedsaday ay qeyb ka ahaayeen shixnad ay Xisbullah heshay muddooyinkii dambe.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed