Agaasimaha Hay’adda NISA ee Soomaaliya Sanbaloolshe oo ugu baaqay Beesha Xawaadle inay soo cusbooneysiiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa bulshada deegaanka gobolka Hiiraan kula dardaarmay inay dib u cusboonaysiiyaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, xilli uu shir nabadeed ku yeesheen gobolkaas.

Kulankan Beesha Xawaadle ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne badan, sida Nabadoono, Waxgarad, Aqoonyahano, Dhalinyaro, Haween, Ganacsato, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale. Xubnaha sida gaarka ah uga qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa hoggaamiyaha ciidanka Macawsleyda Cali Jeyte  iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Hagar Dabageed.

Sanbaloolshe ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay midnimada beesha iyo in la helo hoggaan rasmi ah. Tan iyo bartamihii sanadkii 2022-kii, maleeshiyaadka gobolka Hiiraan ayaa qeyb ka ahaa dib u soo celinta deegaano ka tirsan Hiiraan.

Howlgallada ay fuliyeen ciidamada Macawsleyda ayaa ahaa kuwo muhiim ah oo Al shabaab looga saaray magaalooyin iyo deegaamno kala duwan. Si kastaba ha ahaatee, soo bixitaankooda ayaa keenay caqabado dhowr ah oo dhanka amniga iyo siyaasadda ah. Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo maleeshiyaadka  ayaa guulo ka gaaray howlgallada ciidamada, balse isku dhafka maleeshiyaadkan ee qaab dhismeedka amniga ayaa ah arrin adag.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed