AFRICOM oo duqeyn culus oo ka dhan Alshabaab ka falisay gobolka Jubbada Hoose

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa sheegay in howlgal duqeyn ah oo gudaha Soomaaliya ka dhacday ay ku beegsadeen kooxda Alshabaab, iyagoo si dhow ula shaqeynaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weerarkan cirka ah ayaa ka dhacay meel qiyaastii 40 mayl (64 km) waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, taasi oo dhacday 24-kii bishaan May.
AFRICOM waxay sheegtay in kooxda Alshabaab ay si cad u muujisay rabitaankooda iyo awooddooda ah in ay weerarro ku qaadaan ciidamada Mareykanka, taasoo sababtay in laga hortago khataraha ay kooxdaasi ku hayso sida hadalka loo dhigay danaha Mareykanka iyo dadkeeda ee dibadda ku sugan.

“AFRICOM, iyadoo la kaashanaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxay sii wadaysaa dadaallada lagu wiiqayo awoodda Alshabaab ee ku aaddan qorsheynta iyo fulinta weerarada ay ku hanjabaan,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay AFRICOM.

Taliska Mareykanka ma bixin faahfaahin ku saabsan khasaaraha muuqda ee kooxda ka soo gaaray howlgalkooda duqeynta ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed