AFRICOM iyo Jubbaland oo ka Wadahadlay Qorshe Ka Dhanka ah Alshabaab

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta ku qaabilay magaalada Kismaayo Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM, Maj. Gen. Claude K. Tudor  iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa la tilmaaamay in diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, dardargelinta wada-shaqeynta la-dagaallanka Alshabaab, iyo taageerada howlgalada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada Jubaland.

Taliyaha AFRICOM ayaa la tilmaamay inuu bogaadiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Kumaandooska Danab qeybta Jubaland, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyey Alshabaab, laguna gaaray guulo wax ku ool ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed