Afduubka dadka riydka ah oo Itoobiya ka noqday “tusbax afka laga furay”

 

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ay cirka isku shareereen falalka afduubka dadka rayidka ah oo ay geysanayaan burcad hubaysan oo qaarkood ku labisan dharka ciidamada, sida ay sheegeen ilo wareedyo kala duwan oo ay ka mid yihiin warbaahinta maxalliga ah iyo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii in ka badan 100 arday lagu afduubtay degmada Gebre Guracha ee gobolada Oromia, waaxaana dableyda qafaalatay ardayda ay dalbadeen lacag madaxfurasho ah.

Gobolka Amxaarada ayaa sida oo kale laga soo wariyay falal afduub dad rayid ah oo lacag kumanyaal doolar oo madaxfurasho ah laga doonayo.

Jawar Maxamed oo ka mid ah siyaasiyiinta Oromada ayaa baaq qaylo dhaan ah ka soo saaray ficilladam afduubka wuxuuna ku yiri wareysi uu bixiyay “Koox hubeysan oo isugu jira kuwo dowladeed iyo kuwo aan dowli ahayn ayaa afduub u geysta dad shacab ah, kaddibna waxay dalbadaan lacago xad-dhaaf ah, dambiyadan lasoo abaabulay waxay noqdeen ganacsi faa’iido badan laga helo,”.

Danjiraha Mareykanka u fadhiga Addis Ababa Ervin Massinga ayaa isna Bayaan uu soo saaray oo la soo dhigay bogga Internet-ka ee safaarada ayaa waxa uu ku baaqay in la joojiyo afduubka shacabka iyo ardeyda loo geysanayo.

Hogaamiyayaasha mucaaradka iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda bulshada rayidka ah ayaa sheegay in wixii ka horeeyay 2018 markaas oo Abiy Axmed noqday Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, afduubku aanu ahayn dhibaato halis ah oo ka jirtay dalkaaasi, laakiin haatan uu noqday “tusbax afka laga furay”.

Ku safrida wadooyinka gobolka Oromia ee gaadiidka ayaa waxay noqotay arin halis ah dhowrkii sano ee la soo dhaaftay, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Xiisada ayaa ka sii dartay guud ahaan dalka, oo ay ku jirto caasimadda Addis Ababa, iyada oo ay sii kordhayaan iska horimaadyada u dhexeeya dowladda federaalka iyo kooxaha kacdoonka ee gobollada Oromia iyo Axmaara .

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed