Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in 24-kii saac ee la soo dhaafay magaalada laga dareemayay xaalad ammaan, iyada oo la sheegay in laga cabso qabo in uu dhaco afgamnbi, tani oo ku soo aadaysaa khudbad Ra’isalwasaare Abiy Axmed uu ka jeediyay xarunta baarlamanka maalmo ka hor.
Xarumaha muhiimka ah ayaa amniga aad loo adkeeyay waxaana laga dareemayaa magaalada Addis Ababa ciidamo dheeraad ah oo gaaf wareegaya xarumaha dawlada.
Horay, Ra’iisl wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo qudbad u jeedinayey baarlamaanka dalkiisa ayaa sheegay in uu la socdo dadaalo lagu doonayo Afgambi isaga ka dhan oo ay wadaan xubno isbedel doon ah, kuwaa oo uu diray digniin.
“Dhawaan, odayaasha iyo dadka kale waxay yeelanayeen dooddo ku saabsan in afgambi la sameeyo,” ayuu Abiy u sheegay xildhibaannada, isaga oo intaa ku daray “aan ku siiyo talo, inqilaab laguma guulaysan karo Itoobiya”.
Sida oo kale waxaa uu si cad u sheegay in uu diyaarsaday koox ka shaqeysa ka hortaga Afgambiga, kuwaa qaar ka mid ah ay maanta la soo saaray.
“Waxa aanu u dhisnay hay’adahayaga si aanu uga hortagno afgambiga, Inqilaabka kaliya ee abid ka dhacay Itoobiya wuxuu ahaa 50 sanno kahor — Hadda ma guulaysan karto.” ayuu yiri.
Abiy ayaa ka gaabsaday in uu si dhab ah u qeexo cidda saxda ah ee “talada” loo jeediyay, sida ay soo bandhigtay Thereport oo xiganaysa ilo-wareedyo. xukuumadda Abiy ayaa hadda ka feejigan khataraha afgambiga ee la dareemayo.
Walaaca laga qabo afgambiga ka dhici kara Itoobiya ayaa soo ifbaxay kaddib markii ay bilowdeen wada hadal u dhaxeeya dawladda Mareykanka iyo madaxda xisbiyada mucaaradka Itoobiya iyo sidoo kale xubno saameyn ku leh jaaliyadda Itoobiya ee degan Mareykanka, si la mid ah tallaabooyinkii uu Mareykanka qaaday ka hor inta uusan gelin Ciraaq iyo Liibiya.
HBN ONLINE TV