Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaale, iyo amni, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo laga soo saaray kulan dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Abiy Ahmed oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Kulanka oo daba socday xiriir diblomaasiyadeed oo soo bilowday December sanadkii hore ayaa diiradda saaray xoojinta xiriirka caadiyeynta ee labada dal ee dariska ah.
Labada hoggaamiye waxay carrabka ku adkeeyeen xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo xadka ay wadaagaan, iyagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la dhiso kalsooni iyo in o la xoojinayo iskaashi dheeraad ah. waxay muujinayeen baahida loo qabo xasilloonida iyo horumarka gobolka, waxaana ay ballan qaadeen in la dardargelinayo mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha, taasi oo kor u qaadi doonta isku xirnaanta dhaqaale iyo xiriirka shacabka labada dal.
Sidoo kale, Waxaa la isku soo hadal qaaday bilaabashada wada-hadallada farsamo ee Ankara, halka mar kale ay caddeeyeen sida ay uga go’an tahay wada-hadal wax-dhisaya iyo iskaashi ballaaran.
Huggaamiyaasha waxay go’aaminiyeen is-afgaradka ay gaareen taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo dhigiisa Itoobiya, iyagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga amniga iyo xasilloonida gobolka.
Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxay isku raaceen inay sii xoojiyaan dadaalladooda lagu xasilinayo gobolka Geeska Afrika, taasi oo dan u ah sida hadalka loo dhigay labada shacab iyo guud ahaan gobolka.
Intaasi ka dib, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Aadan Cadde ku sagootiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo booqasho rasmi ah maanta ku yimid magaalada Muqdisho.
HBN ONLINE TV