Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa booqasho hal maalin ah ku tagay magaalada Port ee dalka Sudan, iyada oo la filayo in wada hadallada diiradda lagu saaro xoojinta xiriirka labada dal iyo suurtagalnimada ah in la joojiyo colaadda ka taagan dalkaasi.
Abiy waxa qaabilay General Abdel Fattah al-Burhan, madaxa golaha ku meel gaarka ah ee Sudan iyo ciidamada qalabka sida ee Suudaan (SAF), sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay golaha. “Wadahadallada ayaa diiradda lagu saari doonaa hannaanka xiriirka labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa rajada iskaashiga wadajirka ah ee Khartoum iyo Addis Ababa,” ayaa lagu yiri bayaanka qayb ka mid ah.
Xafiiska Abiy ayaa sheegay in booqashadu ay ujeedadeedu ahayd sidii loo heli lahaa “xal waara oo xasiloonida Suudaan ah.” Suudaan waxaa ka socda dagaal lagu hoobtay oo u dhexeeya ciidamadeeda qalabka sida ee SAF iyo ciidamada gargaarka deg dega ah (RSF).
Itoobiya waa xubin ka mid ah dowladaha xal u raadinta colaadda Suudaan, kaas oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 15,000-20,000 oo qof, kuna barakacay in ka badan 10 milyan oo qof.
Al-Burhaan ayaa horay ugu eedeeyay Itoobiya oo ay ku weheliso Kenya taageerada RSF oo ay martigeliso hoggaankeeda. Bayaanka ka soo baxay xafiiska Abiy ma uusan ka hadlin eedeymaha mana xusin qorshooyin gaar ah oo ku saabsan khilaafka.
Itoobiya iyo Suudaan ayaa waxa muddo dheer ka dhaxeeyay khilaaf salka ku haya khayraadka iyo dhulka, marka laga soo tago xiisadda wabiga Niil, waxay isku dayaysay Suudaan in ay la wareegto gacan ku heynta gobolka xadduudka ku yaalla ee Al Fushqa oo ay ku muransan yihiin dadka ka soo jeeda Al Qadarif iyo Amxaarada.
Gobolku waa dhul beereed barwaaqo ah, caasimaddiisuna waa Showak oo qiyaastii 381KM waqooyi bari ka xigta caasimada Suudaan ee Khartoum.
HBN ONLINE TV