Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta ka sheegay kulan baarlamaanka dalkaasi uu jieediyey in dalkiisu uu ku raadinayo “si nabad ah” in uu galo Badda-Cas, iyada oo aan loo baahneyn wax dagaal iyo xoog ah.
Waxaa uu sheegay in mowqifkoodu uu yahay helitaanka albaab badeed oo ku yaala Badda-Cas, waxaana laga dheeraa doona sida hadalka loo dhigay ikhtiyaarka xoogga ah, si taasi loo gaaro.
Abiy ayaa shaaciyey in baahidooda ay ku rabaan in ay ku helaan hab nabad ah oo uu ku tilmaamay su’aal macquul ah oo cadaalad ah, inkasta oo uusan sheegin cidda uu hadalkaasi u sheegayo iyo cidda uu u dirayo.
Sida oo kale waxaa uu ku goodiyey in Itoobiya aysan duuli doonin ama weerari doonin dal kale, laakiin se hadda ay jiraan kuwa isku dayaya sida uu halka u dhigay in ay Itoobiya taabtaan, isaga oo tilmaamay in ay leeyihiin awood ku filan oo ay isaga caabiyaan.
Arintan oo dadka falanqeeyey siyaaba kala duwan ugu rogrogeen baraha bulshda ayey ku sheegeen in hadalka Abiy Axmed uu ka soo dabcay halkii uu joogay horaantii sanadkan, taasi muujineysa is bedel cusub oo ku yimid go’aan dhowr jeer oo hore ka soo baxay oo ahaa mid kan adkaa.
HBN ONLINE TV

