Aabaha marxuumad Luul oo sheegay in ay ku qancaan in loo Qisaaso Sayid Cali

Cabdicasiis Maxamed oo ah aabaha dhalay ALLAHA u naxariistee Marxuumad Luul Cabdicassii oo u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray dab uu gurideeda qabadsiiyay Saygeeda Sayid Cali Macallin Daa’uud oo marwadiisa ay ahayd ayaa dalbaday in loo fuliyo xukunka qisaasta ah ee horay loogu xukumay eedeeysanaha.

Cabdicasiis Maxamed oo Warbaahinta la hadlay ka dib markii uu soo idlaaday dhagaysiga Cabashada Maxkamadda Sare ee dalka ay u gudbiyeen Qareennada difaacaya Sayid Cali ayaa meesha ka saaray in ay rabaan ama qaadanayaan Mag (Diyo).

Qareennada Sayid Cali oo ku qanci waayay xukunnadii isku midka ahaa ee Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo tan Racfaanka ay ku rideen ee ahaa dil toogaso ah ayaa cabasho u aaday Maxkamadda Sare Dalka oo go’aanka ugu dambeeya gaari doonta.

“Caddaalad ayaan rabnaa, qisaas ayaan rabnaa oo ma rabno diyo, Go’aankii hore ayaan ku taaganahay, Caddaaladda Ayaa wax ka sugeynaa” ayuu yiri Cabdicasiis Maxamed oo Warbaahinta la hadlay ka dib markii uu soo idlaaday dhagaysiga cabashada loo gudbiyay Maxkamadda Sare Dalka.

Go’aanka ugu dambeeya ayaa laga sugayaa Maxkamadda Sare ee Dalka, dood ayaa maanta dhexmartay Qareennada Sayid Cali oo ka bariyeelayay xukunnada lagu riday iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta oo difaacaysay Xukunnadaas.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed