24, August 2022
W/Q: Rowda Olad, Gudoomiyihii hore ee degmada Waaberi.
Mararka qaar markuu damiirku damqado, aadna ogtahay in eedeyn aysan xal u aheyn daruufaha dalkeena ka jira, waxaa igu soo dhaco tixdii Abwaan Mohamed ee aheyd “aan ooyee albaabka iixira “.
Tolow waa ayada maalin walba siyaasiyiinta Iyo dadka hogaanka markaa haya eed loo soo jeediyee, malaga fakirey in eeda shacabku ayaga isisaaraan, qaataana masuuliyad dhaba oo aay xaalada wadankan wax oga badalayaan, kana taliyaan ayaaha iyo masiirka ummada.
Waxaa jirtey xiligii 1846kii caabuq ka dilaacay yurub (puerperal fever)ka dilaacey oo aay dadbadan ku dhinteen. Cudurkaan wuxuu dhibaato badan ugeystay hooyooyin badan oo lagu umuliyay isbitaal ku yaala magaaalada Vienna. Hooyo kasta oo isbitaalkaas ku dhaleeysay xiligaas, dhowr berri kadib wey dhiman jirtey. Cajiib, waa halkii Soomalidu ka dhihi jirtey “masaajidkaa qeylo ka soo yeertey.” Bal ka waran, meeshii dadka daawada uraadsanaayeen hadii uu dhib ka yimaado.
Dr. Semmelweis dhaqtar la dhihi jirey ayaa isbitaalkii shaqo ka bilaabey. Dhaqtarkii wuxuu isweydiiyay sababta keeneyso markii dumarka isbitaalkan yimaada markey dhalaan kadib in ay dhintaan.
Fakar dheer kadib, wuxuu ogaadey in dhaqaatiirta sameeysa qaliinka amase daaweeya dadka cudurka markaas socday qaba in aysan gacmaha ayagoon dhaqin ay dhalinjireen haweynka isbitaalka u yimaada in ay ku dhalaan.
Dhaqaatiirtii oo qaar kamid ah ardey ahaayeen ayuu u yeerey, kuna yiri “ adinkaa dila dumarkan oo cudurkana faafiya”. Intaa ogama uusan harin ee wuxuu sheegey xalkii oo uu yiri, dhaqa gacmihiina oo ku dhaqa geermis dila. Nasiib wanaag, dhimashadii aad bey u yaraatey cudurkiina faafintiisi ku yaraatey.
Semmelweis wuxuu kala kulmey arrintaan dhibaatooyin badan, lamana soo dhaweyn hal abuurkiisii iyo fakarkiisii. Balse 20 sanno kadib ayaa aduunku qaatey in gacmo dhaqistu kamid tahay xalka xakameynta geermiska. Qisadan iyo kuwa kalaba waxaa ku jiro xikmad, in Allah uu awood siiyay bini’aadamka ay ku fakaraan si ay xal ugu helaan dhibka soo wajaha.
Marka waxaan isleeyahay, waxaa loo baahanyahay quburu soo if bixisa shacabka Soomaliyeed dal iyo dibadba ha joogaane, qeybta ku leeyihiin dhibaatada wadankeena ka jirta gaar ahaan, amni darada, dagaalada qabaaliga ah, abaarta, taya xumada waxbarashada, caafimaadka, iyo hano qaadis la’aanta hanaanka dowladnimo.
Waxaan soo jeedin lahaa in cilmi baaristaan lagu sameeyo dhibaatada qeybta ay ku leeyihiin: ganacsatada, culumada, waxgaradka (siiba bahda waxbarashada iyo caafimaadka) iyo odayaasha dhaqanka.
Hadii hal qeyb oo bulshada kamida waajibkooda si rasmi ah oga soo bixi lahaayeen oo aay yeelan lahaayeen nidaam, iyo danta ay wadaaga ku yihiin in ay kawada shaqeeyaan. Tusaale ahaan, shacabka hadii laga helo kuwo la xisaabtamaya bahda caafimaadka oo ururada bulshada sameyaan guddi kula xisaabtama isbitaalada, iyo dhaqaatiirta tacadiyada caafimaad ee qaarkood aygeystaan, soo dhib jira qeybna ka aha dhibaatooyinka wadankeen xal looma helin.
Tusaale kale, xamar waa degmo-waax, laan, tabeele, tabeeluhu waa 50 guri. Hadii lahelo 50 guri oo ka fakarta sidii tabeelahaas amnigiisa, kawarqabkiisa, iyo nadaafadiisa loo sugi lahaa. Soo xal ma ahaateen.Dulucda hadalkeygu wuxuu yahay, maanta Soomaliya waxey heysataa fursado dahabi ah marka loo fiiriyo siyaasada aduunka iyo mida geeska afrikaba, balse waxey ubaahantahay mufakariin u fakara, caqligoodana miira, wadankana jiheeya.
Sidaas dartee, shacabka awoodooda ha fahmaan, qofwalbana dhibaatada inta uu ku leeyahay xal ha u badalo. Wadamada hormarey waxey ku hormareen bulsho rayid iyo shacab la xisaabtamaya dowladooda iyo siyaasiyiintooda. Sidoo kalana, madaxda dhamaantood darajo walba ha hayaane masuuliyada loo dhiibey hadeysan gudan waayaana cidla xisaabtanto, tii Alle ayaa sugeyso.
Waa damqasho dareen xanuun badan leh, dhiiga maalin walba daadanaya iyo dayaca guud ee jira.
Dhamaad.
AFEEF: Aragtida & macluumaadka qoraalku xambaarsan yahay waxay u gaartay qoraha, kama turjumayso aragtida Horn Broadcasting Network (HBN)