DFS oo ka hadashay xiritaanka Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa soo dhaweysay soo afjaridda shaqadii Xafiiska Arrimaha Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay in dalka uu ka gudbay caqabadihii uu soo maray, isla markaana uu gaaray heer isku-filnaansho iyo dib-u-hanasho buuxda.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo bogaadiyay kaalintii uu xafiisku ka qaatay muddadii kala-guurka iyo dib-u-soo kabashada dalka ayaa u mahadceliyey Qaramada Midoobay.

Arrintan ayaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay kulan gaar ah ee Golaha Wasiirrad maanta uu ku yeesheen xaruntooda shirarka ee magaalada Muqdisho──Kulanka waxaa guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac.

Sidoo kale, inta lagu jiray shirka ayaa la sheegay in laga hadlay miisaaniyadda sannadlaha ah ee DFS ee 2027, waxaana lagu ansixiyay miisaaniyad gaareysa 1,259,238,253 doollar (hal bilyan, laba boqol iyo konton iyo sagaal milyan, laba boqol iyo soddon iyo siddeed kun, laba boqol iyo konton iyo saddex dollar).

Dhanka amniga, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha, taas oo la sheegay inay soo bandhigtay guulaha ay ciidamada qalabka sida maalmihii u dambeeyay ka gaareen deegaannada ay kula dagaallamayaan Al-Shabaab, iyo howlgallada socda ee ka dhanka ah kooxda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed