Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul tagay halka ceelka shidaalka ee Curad 1

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqday markabka Turkiga ee Çağrı Bey ee ka shaqeynaya qodista ceelka shidaalka ee Curad-1 ee Soomaaliya ayaa kortagay dadaallada lagu sahaminayo──laguna xaqiijinayo khayraadka shidaalka ee ku jira badda Soomaaliya.

Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegtay in booqashada madaxweynaha ay astaan u tahay guul muhiim ah oo laga gaaray iskaashiga tamarta ee Soomaaliya iyo Turkiga. Safaaraddu waxay xustay in hawlgalkani muujinayo xoojinta xiriirka labada dal iyo sida ay uga go’an tahay horumar waara iyo barwaaqada Soomaaliya.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khubarada iyo mas’uuliyiinta markabka ka dhageystay warbixinno ku saabsan howlaha qodista, shaqada la qabtay iyo natiijooyinka hordhaca ah ee laga gaaray sahminta shidaalka. Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu ogaanayo── laguna horumarinayo khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa khudbad uu ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay dabayaaqadii bishii hore Sebtembar ku sheegay in dalkiisu ka go’an tahay taageeridda Soomaaliya. Taageeradaas ayaa diiradda saaraysa xoojinta amniga, horumarinta dalka iyo dhismaha awoodda hay’adaha dowladda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed