Koonfur galbeed oo ka hadashay sida ay uga falcelin doonto ciidamada gudaha u galay  Buurhakaba

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay socdaan howlgallo lagu soo celinayo amniga iyo kala dambeynta degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, kadib markii saacadihii hore ee maanta ay gudaha magaalada galeen ciidamo daacad u ah hoggaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.

Afhayeen u hadlay maamulka Koonfur Galbeed Mohamed Sheikh Abdulahi Xaayow ayaa sheegay in howlgallada socda ay iska kaashanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si wax looga qabto xaaladda amni ee degmada Buurhakaba.

Maamulka ayaa sheegay in ujeeddada howlgalladu tahay dib u soo celinta xasilloonida, amniga iyo kala dambeynta degmada Buurhakaba, iyadoo la doonayo in laga hortago falal amniga wax u dhimaya.

Dhanka kale, inkasta oo aan khasare la soo warin, ilo madaxnaan ayaa sheegay in dagaal ka dhacay gudaha magaalada, balse si madaxbnaan cidna uma xaqiijin.

Xiisadda u dhexaysa dhinacyadan ayaa horey dhowr jeer ugu horseedday dagaallo ka dhacay magaalada Baydhabo, oo ah xarunta gobolka Bay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed