Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Soomaaliya ayaa shaaciyay jadwalka doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka la qaban doono 15-ka Abriil sanadka soo socda ee 2027, halka doorashada Madaxweynaha loo asteeyay 15-ka May 2027.
War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray maanta ayuu ku sheegay in jadwalkan loo dejiyay si waafaqsan qodobbada Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka Qaranka.
Sidoo kale, Guddiga ayaa shaaciyay marxaladaha muhiimka ah ee doorashooyinka oo ay ka mid yihiin dib-u-furista diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo codbixiyeyaasha, taas oo socon doonta 1-da ilaa 22-ka Nofeembar 2026, iyo soo gudbinta liisaska musharraxiinta labada Aqal ee Baarlamaanka oo ku eg 22-ka Nofeembar.
Galka ku-meel-gaarka ah ee musharraxiinta ayaa la shaacin doonaa 21-ka Janaayo 2027, halka ololaha doorashooyinka Baarlamaanka si rasmi ah u bilaaban doono 27-ka Febraayo. Liiska kama dambaysta ah ee musharraxiinta ayaa la soo saari doonaa 15-ka Maarso 2027.
Hase yeeshee, hannaanka doorashooyinka ayaa weli ah mid muran siyaasadeed ka taagan yahay. Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland, iyo siyaasiyiin mucaarad ah oo ay ku jiraan madaxweynayaal, ra’iisul-wasaarayaal iyo wasiirro hore, ayaa ka soo horjeeda guddiga doorashooyinka iyo hannaanka doorasho ee ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Khilaafkan ayaa muujinaya in weli aan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay laga gaarin hannaanka doorashooyinka dalka, xilli la shaaciyay jadwalka doorashooyinka 2027.
HBN ONLINE TV

