Wasaaradda Caafimaadka dalka Kenya ayaa maanta xaqiijisay kiiskii labaad ee cudurka Ebola, nooca Bundibugyo, kaas oo laga helay nin 39 jir ah oo qaraabo dhow la ah qofkii ugu horreeyay ee cudurka laga helay. Ninkan ayaa ku jiray karantiil iyo kormeer caafimaad oo maalinle ah, waxaana xanuunka lagu arkay 13-kii bishaan Octobar oo shalay. Kenya ayaa hadda diiwaangelisay laba kiis oo la xaqiijiyay iyo hal dhimasho.
Wasaaradda ayaa sheegtay in bukaanka markii uu yeeshay qandho, daal iyo xanuun kala-goysyada ah si degdeg ah loo go’doomiyay, baaritaannadana laga helay natiijooyin xaqiijinaya cudurka. Hadda waxaa lagu daweynayaa xarun gaar ah, halkaas oo uu ka helayo daryeel caafimaad. Wasaaraddu waxay sheegtay in karantiilka iyo la socodka joogtada ahi ay suurtageliyeen in kiiska si hore loo ogaado, isla markaana aan weli la hayn wax caddeyn ah oo muujinaysa in cudurku ku faafay bulshada inteeda kale.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in la aqoonsaday 128 qof oo xiriir la yeeshay bukaankii ugu horreeyay, kuwaas oo 113 ka mid ah la raadraacay ilaa 13-kii bishaan Oktoobar. 108 qof ayaa ku jira karantiil gudaha Kenya, halka 5 qof ay ku sugan yihiin dalal kale oo hay’adaha caafimaadka dalalkaas lala socodsiiyay. Raadraaca 15-ka qof ee harsan ayaa socda, waxaana sidoo kale la baarayaa dadka xiriirka la yeeshay bukaanka labaad, oo ay ku jiraan shaqaalaha caafimaadka.
Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa shacabka ugu baaqday inay isdejiyaan, balse feejignaanta ilaashadaan, iyadoo caddeysay in Ebola uusan hawada ku faafin, laakiin uu ku gudbo taabashada tooska ah ee dhiigga ama dheecaannada jirka qofka qaba cudurka ama qof u dhintay. Dadka isku arka qandho, daal aan caadi ahayn, murqo ama kala-goysyo xanuun, matag, shuban ama dhiig-bax aan la garanayn sababtiisa ayaa lagula taliyay inay si degdeg ah u raadsadaan daryeel caafimaad. Weli lama hayo xog rasmi ah oo xaqiijinaysa in cudurku gaaray Soomaaliya, balse xaaladdan ayaa walaac ku abuuri karta Soomaalida ku nool Kenya iyo dadka isaga kala goosha labada dal.
HBN ONLINE TV

