Maamulkii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka hadlay tallaabada ay Dowladda Soomaaliya cunaqabateynta dhaqaale ugu soo rogtay 10 xubnood ee ugu sarreeyay maamulkoodii ayaa sheegay inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin go’aamada la soo saaray.
Xasan Cabdi Maxamed oo ku jira 10-ka shaqsi ee galka cunaqabateyn maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya ku soo rogtay, ahna afhayeenka ciidamada daacadda u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis (Laftagareen), ayaa sheegay in bayaanka la soo saaray shalay ay dhankood u arkaan mid aan waxba ka bedeli doonin dhaqdhaqaaqyadooda Koonfur Galbeed iyo dagaallada ay ku jiraan.
“Anaga wax saameyn ah oo ay inagu yeelanayso maha, haddii dhaqaale ay inagu tuhmaayaan horay u xirxireen──hakala baxaan oo ha qaataan. Socdaalkane anagu ajanabi ma nihin ee dalkeenaa joognaa, halkaan doonane waa u safarnaa──waana ka imaan karnaa, waxba uma aragno” ayuu yiri Ugaas Xasan.
Wuxuu sheegay in siyaasadda dowladda dhexe ay noqotay sida uu ku andacooday mid lagu tacadiyo qof walba oo hoggaanka sare ee dowaldda ka aragti duwan. Ugaas Xasan ayaa been abuur ku tilmaamay eedeymaha Dowladda Soomaaliya u jeedisay, isagoo wuxuuna waxba kama jiraan ku seegay in wax xiriir ah kala dhaxeeyo kooxda Alshabaab.
Isaga oo ka hadlayey arrimaha kale ee ku jiray warqadda cunaqabateynta ayuu sheegay in wax saameyn ah aanay ku yeelan doonin fikirkoodii iyo dhaqdhaqaaqii ay horay u wadeen, ayna sidii hore howlahooda u sii wadan doonaan.
“Waxba saameyn naguma yeelanayso warqadaha ay Facebook-yada soo dhigeen, Nolol ahaan, amni ahaan, dhaqdhaqaaq ahaan, safar ahaan iyo inaan howsheena sii wadano”. Ayuu yiri markale Ugaas Xasan.
Shalay, Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa sheegtay inay cunaqabateyn maaliyadeed ku soo rogtay madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo 9 xubnood oo xulafadiisa siyaasadeed ah, waxaana lagu daray waxa loogu yeero “Liiska Qaran” ee Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman, kaddib markii lagu eedeeyay inay ku lug yeesheen, sida hadalka loo dhigay, maalgelinta iyo taageeridda kooxda Alshabaab.
Warbixintan waxay ku soo aadaysaa iyada oo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya maamulkii hore Koonfur Galbeed iyo DFS uu gaaray meel adag. Baydhabo oo ay ku dagaallameen dhowr jeer ayaa waxaa ka dhashay khasaare badan oo soo gaaray dhinacyada iyo dad rayid ah.
Maamulka hadda ee Koonfur Galbeed ayaa 1-dii bishii hore ee Sebtembar wuxuu liiska waxa loogu yeero argagixisada ku daray ciidanka daacadda u ah Cabdicasiis Laftagareen.
Ciidankan oo ay hoggaaminayaan wasiirro iyo saraakiil horey uga tirsanaa maamulkii Laftagareen, ayaa dhowr jeer oo hore weerarro dad badani ku dhinteen ku qaaday magaalada Baydhabo.
Dagaaladii ugu dambeeyey dhinacayada ku dhexmaray Baydhabo waxaa ka dhashay khasaare u badnaa dad rayid ah sida ay sheegtay Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn ee MSF.
HBN ONLINE TV

