Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Soomaaliya ayaa shaaciyay jadwalka dhaarinta Xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug iyo doorashooyinka lagu soo xulayo hoggaanka baarlamaanka iyo maamulka.
Sida uu guddigu sheegay, 16-ka bishaan Oktoobar ayaa la dhaarin doonaa Xildhibaannada cusub, iyadoo maanta iyo berri la ururinayo Xildhibaannada si loo siiyo kaararka aqoonsiga.
Jadwalku wuxuu dhigaya in maalinta xigta la qaadan doono araajida musharraxiinta u tartamaya guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug, halka doorashada guddoonka la qaban doono 18-ka Oktoobar.
Sidoo kale, guddigu wuxuu sheegay in doorashada hoggaamiyaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa la qaban doono 22-ka Oktoobar, taas oo lagu soo gabagabaynayo hannaanka doorashooyinka maamulka ee halkaasi ka socday.
Jadwalkan ayaa imanaya saacado kaddib markii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ay si kama dambays ah u ansixisay natiijada doorashadii ku-celiska ahayd ee Golaha Wakiillada Galmudug, taas oo dhacday 30-kii Sebtembar 2026. Maxkamadda ayaa horay u burisay doorashadii ka horraysay.
HBN ONLINE TV

