Cunaqabateyn dhaqaale oo lagu soo rogay Laftagareen & xuno kale

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa maanta shaacisay inay cunaqabatayn maaliyadeed ku soo rogtay 10 qof oo uu ku jiro madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, waxaana lagu daray waxa loogu yeero “Liiska Qaran” ee Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, kaddib markii lagu eedeeyey inay ku lug yeesheen sida hadalka loo dhigay maalgelinta iyo taageeridda kooxda Alshabaab.

War saxaafadeedka ka soo baxay Guddiga DFS ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta waxa loogu yeero Argagixisada ee ku jiro Laftagareen, iyo sagaalka qof ee kale ayaa lagu kala magacaabay:

Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman:-

  1. Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen”
  2. Xasan Cabdulqaadir Maxamed
  3. Mahad Cabdiraxmaan Aadan “Shub”
  4. Ibrahim Aadan Cali “Najax”
  5. Xasan Cabdi Maxamed “Ugaas Xasan”
  6. Cabdullahi Cali Watiin
  7. Cabdifaatax Mahad Cabdiraxmaan
  8. Cabdimajid Mowlid Xasan
  9. Amiin Mad Daruur
  10. Abshir Aadan Isaaq.

Guddiga ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu ciribtirayo wuxuu ugu yeeray “maalgelinta Argagixisada”, laguna xoojinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Sida lagu caddeeyey bayaanka guddiga, hay’adaha ay khusayso, muwaadiniinta & dadka ama shirkadaha kale ee ku sugan Soomaaliya ayaa laga mamnuucay inay dhaqaale ahaan ula macaamilaan dadka liiska ku jira, iyada oo la tilmaamay inay waajib tahay in xayiro hantida ay leeyihiin 10-ka shaqsi ee bayaanka lagu xusay.

Guddigu wuxuu ka digay in xiriir maaliyadeed lala yeesho dadka liiska ku jira, iyada oo bayaanka lagu yiri “Dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed waxaa lagu wargelinayaa in ay mamnuuc tahay xiriir kasta oo dhaqaale ama fududayn ah oo loo sameeyo shaqsiyaadka kor ku xusan, iyada oo ciddii jebisa go’aanka Guddiga lala tiigsan doono xeerarka la-dagaallanka argagixisada ee dhaqangalka ah”.

Warbixintan waxay ku soo aadaysaa iyada oo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya maamulkii hore Koonfur Galbeed iyo DFS uu gaaray meel adag. Baydhabo oo ay ku dagaallameen dhowr jeer ayaa waxaa ka dhashay khasaare badan oo soo gaaray dhinacyada iyo dad rayid ah. Dowladdu waxay ku eedeysay Laftagareen iyo ciidamada daacadda u ah inay wada-shaqeyn kala dhexeyo kooxda Alshabaab, kadib markii ay magaalada ku qaadeen dagaallo tiro beel oo qaarkood ku bilowdeen baabuur qaraxyo ah & drones iska qarxiya,balse si madaxbanaan looma xaqiijin.

Dhanka kale, Shir aan caadi ahayn oo ay 1-dii bishii hore ee Sebtembar yeesheen golaha wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga soo saaray go’aan liiska waxa loogu yeero argagixisada uu ugu daray ciidanka daacadda  u ah Cabdicasiis Laftagareen ee fadhiya duleedka magaalada Baydhabo.

Ciidankan oo ay hoggaaminayaan wasiirro iyo saraakiil horey uga tirsanaa maamulkii Laftagareen, ayaa dhawr jeer oo hore weerarro dad badani ku dhinteen ku qaaday magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed.Go’aankan ayuu sheegay afhayeenka maamulka KGS in loo cuskaday caddeymo uu sheegay in loo helay inuu xiriir ka dhaxeeyo ciidanka Laftagreen iyo ururka Alshabaab.

Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn ee MSF ayaa sheegtay in khasaaraha ka dhashay dagalladii ugu dambeeyey ee Baydhabo ay gaartay 94 qof oo dhaawac ah, oo ay ku jireen 29 haween ah iyo 20 carruur ah, halka 4 qof ay dhinteen. Dagaallo kale oo dhacay 3-dii Sebtembar ayaa isbitaalka la keenay 71 qof oo dhaawacmay, oo ay ku jiraan 15 haween ah iyo 12 carruur ah, iyadoo hal qof uu dhintay.

HBN ONINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed