Dowladda Soomaaliya oo guddi u saartay sidii looga hortagi lahaa cudurka Ebola oo kiiskii ugu horeeyay ee dhimasho Kenya xaqiijisay

Xukuumadda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo ka hortagga cudurka Ebola, kaddib markii kiiskii ugu horreeyay laga xaqiijiyay dalka Kenya. Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay qorshe loogu diyaar-garoobayo ka hortagga in cudurka uu Soomaaliya soo gaaro.

Kulankan Golaha ayaa inta uu socday waxaa la magacaabay guddi ka kooban 6 wasaaradood, kaas oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Jibriil Xaaji Cabdi. Guddiga waxaa xubno ka ah Wasaaradaha Caafimaadka, Amniga, Arrimaha Dibadda, Gaadiidka, Warfaafinta iyo Xannaanada Xoolaha.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga iyo diblomaasiyadda. Golaha ayaa soo dhaweeyay doorashooyinkii ka dhacay maamul-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Dhanka kale, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa sheegtay in qorshaha Soomaaliya ugu biirista Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO) uu marayo heer gabagabo ah, kaddib muddo ku dhow 10 sano. Wasaaraddu waxay xustay in Soomaaliya ay dhammaystirtay shuruudihii looga baahnaa, oo ay ka mid yihiin jaangoynta tariifooyinka iyo dhismaha hay’adaha maamul.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirradu wuxuu ansixiyay Guddiga Shirkadda Kalluumaysiga Qaranka oo ka kooban 9 xubnood.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed