Faahfaahin: Khasaaraha dhimasho & dhaawac ee ka dhashay dagaal Alshabaab & dad shacab ah ku dhexmaray Tardo 

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu maanta ka dhacay deegaanka Tardo oo hoos taga degmada Jalalaqsi, kaas oo u dhexeeyay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab iyo dadka deegaanka. Dagaalka ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dad rayid ah oo ku sugnaa xaafado iyo suuqa deegaanka.

Sida ay sheegayaan xogaha hordhaca ah, xubno ka tirsan Alshabaab ayaa gudaha u galay subaxnimadii hore ee saaka suuqa Tardo, iyagoo la sheegay inay raadinayeen dad ay doonayeen inay qabtaan. Arrintaas ayaa dhalisay iska horimaad ay kala kulmeen shacabka deegaanka, kaas oo markii dambe isu beddelay dagaal ay la galeen, iyada oo mar dambe ay ku soo biireen ciidamo deegaanka ah.

Guddoomiyaha deegaanka Tardo, Cusmaan Xuseen Guure (Cismaan Dheere), ayaa sheegay in weerarka uu sababay khasaare culus oo soo gaaray dadka deegaanka. Wuxuu sheegay in ilaa 7 qof ay dhinteen, halka 9 kalena ay dhaawacmeen oo laga soo qaaday goobta, inkastoo tiradaas aan weli si madaxbannaan loo xaqiijin.

Xaaladda Tardo ayaa weli kacsan, iyadoo la soo sheegayo in rasaas culus ay gudaha deegaanka ka socoto, isla markaana dad badan ay isaga baxeen magaalada.

Mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka Dowladda Soomaaliya iyo taliska ciidamada xoogga dalka aan ilaa hadda wax faahfaahinta ah ka bixin xaaladda dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed