Dagaal khasaare dhimasho geystay oo Alshabaab & dad rayid ah ku dhexmaray Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus oo sababay khasaare kala duwan uu ka dhex qarxay kooxda Alshabaab iyo ciidanka deegaanka ee Tardo.

Xogaha hordhaca ah ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Alshabaab ay beegsadeen dad rayid ah oo ku ganacsanayay gudaha suuqa Tardo oo hoostaga degmada Jalalaqsi.

Weerarkaasi ayaa la sheegay inuu sababay khasaare dhimasho ah oo gaaraysa ku dhowaad 7 qof oo rayid ah.

Ilo madax-bannaan ayaa sheegay in xubnaha kooxda ee deegaanka tagay ay doonayeen inay qabtaan dad ay raadinayeen, balse ay kala kulmeen iska caabin kaga timid shacabka magaalada.

Sidoo kale, warar madax-bannaan ayaa xaqiijiyey in maleeshiyaadka kooxda ee gudaha deegaanka u galay ay goor dambe la kulmeen dagaal ay la galeen ciidamo deegaanka ah ee Macawiisleyda.

Xaaladda deegaanka ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo faahfaahin dheeraad ah aan laga helin masuuliyiinta Tardo iyo gobolka Hiiraan.

Isha: HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed