Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa caawa shaaciyey natiijada doorashooyinkii golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee maamulka Hirshabeelle, taasi oo lagu tartamay 10 degmo, iyadoo ay ka qeyb galeen 13 urur siyaasadeed.
Sida uu sheegay bayaan warbaahin lala wadaaagay, Doorashada Golaha Hirshabeelle ayaa lagu tartamay 99 kursi oo baarlamaanka ah, halka tan Deegaanka lagu tartamay 222 kursi.
Doorashada 30-kii bishii hore lagu qabtay Hirshabeelle ayaa la tilmaamay inay ka qeyb qaateen 114,633 codbixye, iyada oo kuwo ansaxay noqdeen 112,451, halka 2,182 cod ay halaabeen Golaha wakiillada .
Ururka Cadaaladda iyo Wadajir oo ah xisbiga madaxtooyada Soomaaliya ayaa kaalmaha hore ka galay doorashooyinka, isaga oo ka helay Golaha wakiillada 78 kursi, halka tan deegaanka uu helay sida uu guddiga doorashooyinka sheegay 158 kursi.
Ururada sida ay u kala horeeyaan:
Ururka Cadaaladda iyo Wadajir ayaa helay 78 kursi
Karaama 6 kursi
Iftiin Qaran 5 kursi
Sincad 3 kursi
Dimuqraadiyadda Soomaaliyeed 2 kursi
Ramaas 2 kursi
Tiir 1 kursi
Madalsan 1 kursi
Muwaadiniinta Soomaaliyeed 1 kursi
Si guud, doorashada Golaha deegaanka waxaa codkooda dhiibtay 114,633 qof, halka ay ansax noqdeen 112,466 cod, ayna halabeen 2,167 cod.
Ururada sida ay u kala horeeyaan:
Ururka Cadaaladda iyo Wadajir ayaa helay 158 kursi
Karaama 17 kursi
Madalsan 14 kursi
Iftiin Qaran 12 kursi
Sincad 8 kursi
Ramaas 7 kursi
halka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay heleen 4 kursi.
Ururada kale ee ka qeyb galay doorashada, sida Tiir, Dadka Soomaaliyeed, SAAB, Dan-Shacab iyo Talo-Qaran, wax kursi ah kama helin labada gole. Natiijadan ayaa muujineysa kala duwanaanshaha kuraasta ay ururradu ka heleen Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka Hirshabeelle.
Waxaa xusid mudan ururka Towfiiq oo horay uga soo qeyb galaya doorashooyinkii hore markii labaad laga weynayo fagaarayaasha doorashada Soomaaliya, waxaana jira warar aan la shaacin oo sheegay in khilaaf culus uu ururka kala kulmayo hoggaanka siyaasadda Soomaaliya.
HBN Online Tv

