Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya u ogolaan doonto Itoobiya inay Badeeda isticmaasho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ee hoggaamiyo diyaar u tahay inay Itoobiya u oggolaato adeegsiga qaar kamid ah dekedah Soomaaliya, balse uu diidan yahay qorshe Israa’iil saldhig uga sameysanayso Berbera.

Wareysi Al Jazeera ay Axadda berri ah baahin doonto, madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya aysan aqbali doonin joogitaanka Israa’iil ee qaabka ay hadda u wajahayso dhulka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in Israa’iil qorsheyneyso saldhig ciidan badeed iyo isticmaalka garoonka Berbera, iyadoo doonaysa inay u dhowaato dalalka Khaliijka iyo Iiraan. Wuxuu intaas ku daray in dadka Somaliland ay ka soo horjeedaan joogitaankaas, Soomaaliya-na ay ilaalin doonto madax bannaanideeda.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa xiriirka Itoobiya ku tilmaamay mid wanaagsan. Wuxuu caddeeyay in Soomaaliya aysan diiddanayn in Itoobiya hesho marin ganacsi badeed, iyadoo la raacayo xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya loo oggolaan karo 2 ama 3 dekedood oo ay badeecadaha kasoo dejisato, kana dhoofiso, iyadoo heshiisyo dhaqaale lagu nidaaminayo khidmadaha iyo canshuuraha.

Wuxuu sheegay in Addis Ababa ay soo bandhigtay baahideeda, balse aysan weli gudbin codsi rasmi ah.

Dhanka amniga, wuxuu Xuutiyiinta ku eedeeyay carqaladeynta marinka Bab al-Mandab. Wuxuu Mareykanka ku tilmaamay saaxiibka ugu xooggan ee Soomaaliya la dagaallama argagixisada, isagoo sheegay in Alshabaab aysan joogin magaalooyinka waaweyn, aysanna dib ula wareegi karin dalka, sida uu sheegay.

HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed