Muxuu yahay kulanka la qorsheeyey ee ay yeelan doonaan Madaxda Masar, Soomaaliya, Eritrea iyo Suudaan?

Madaxweynayaasha Masar, Soomaaliya, Eritrea iyo hoggaamiyaha Suudaan ayaa la filayaa inay kulan gaar ah yeeshaan inta uu socdo Madasha Afrika ee Alamein, oo lagu qabanayo dalkaasi Masar, xili ay qaarkood wajahayaan xiisad siyaasadeed.

Kulanka, Cabdifataax Al-Sisi, Xasan Sheekh Maxamuud, Isaias Afwerki iyo Cabdifataax Al-Burhaan ayaa ku soo aadaya iyadoo Itoobiya ay dhowaan Masar, Suudaan iyo Eritrea ku eedeysay inay hurinayaan colaadda gudaha dalkaasi, isla markaana taageerayaan kooxaha mucaaradka. Dalalkaas ayaa beeniyey eedeymaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Addis Ababa maalmo ka hor kulanka la qorsheeyey oo dhacay todobaadkii hore. Booqashadaas ayaa dhalisay su’aalo ay falanqeeyayaasha siyaasadda ka qabaan waqtigeeda, maadaama madaxda uu la kulmayo intooda kale ay dalalkoodu xiriir aan wanaagsanayn la leeyihiin Itoobiya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa hoos u dhigay walaacaas, iyagoo tusaale u soo qaatay ka qaybgalka Xasan Sheekh iyo madax kale oo gobolka ah ee furitaankii Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya bishii September 2025, inkastoo Masar ay mashruuca ka soo horjeeddo. Waxay sheegeen inaan booqashadii dhowayd iyo kulanka la qorsheeyey isku xirnayn.

Shirarka waaweyn waxaa inta badan barbar socda kulammo gaar ah oo looga hadlo arrimo aan saxaafadda loo bandhigin. Hase yeeshee, ajandaha kulanka afartan hoggaamiye weli si rasmi ah looma shaacin.

HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed