Go’aanka qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka oo saaameyn ku yeeshay maanta duuliyamaadyada Puntland iyo Muqdisho

Waxaa maanta guud ahaan Soomaaliya ka dhaqan galay amarka Dowladda Federaalka ee dhigaya in qof kasta oo raacaya safarada diyaaradaha gudaha dalka uu wato Kaarka Aqoonsiga Qaranka, kaasi oo bilihii la soo dhaafay la sii ogeysiiyey dadweynaha.

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in tallaabadan looga gol leeyahay xoojinta amniga iyo la socodka dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta ee safarada dalka.

Inkasta oo aan meelo badan saaka caqabo waaweyn laga soo sheegin, hadane Amarka ayaa saameeyay duulimaadyada u dhexeeya Muqdisho iyo Garoowe, iyadoo ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in qaar ka mid ah safarradii maanta ay baaqdeen.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland ee ku saabsan adeegyada aqoonsiga qaranka.

Puntland ayaa horey uga hortimid in Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ay xarun ka furato deegaannadeeda, taas oo caqabad ku noqotay helitaanka adeegga aqoonsiga.

Dowladda Federaalka ayaa horey shuruud la mid ah ugu soo rogtay dadka raacaya duulimaadyada caalamiga ah.

HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed