Mustafe Cagjar oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida

Golaha 7-aad ee Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa mar kale u doortay Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) inuu noqdo Madaxweynaha deegaanka, isagoo xilka hayn doona 5 sano ee soo socota.

Mustafe ayaa horey u hoggaaminayay deegaanka muddo 8 sano ah, waxaana xildhibaannadu markale u ansixiyeen inuu sii wado hoggaanka DDS. Doorashadiisa ayaa ka dhacday kulan ay yeesheen maanta xildhibaannada Golaha 7-aad ee baarlamaanka deegaanka.

Sidoo kale, Golaha ayaa u doortay Ibraahim cusmaan faarax inuu noqdo ku xigeenka madaxweynaha gobolka Soomaalida.

Dhanka kale, doorashada maanta ayaa waxaa kale oo la shaaciyey in la doortay iyagane xubnaha Golaha wasiiradda maamulka deegaanka oo ka 27 gole wasiir.

Geesta kalane, mudanayaasha baarlamaanka ayaa doortay xubno kale oo ka tirsan hoggaanka baarlamaanka oo ay ku jiraan guddoomiyaha Golaha iyo ku-xigeenkiisa.

Dib-u-doorashada Mustafe ayaa ka dhigan inuu sii wadi doono hoggaanka siyaasadeed iyo maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida muddada cusub ee shanta sano ah.

HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed