Inka badan 160 muwaadiniinta Soomaali ay saameeyeen colaadda Yemen oo maanta dalka loogu soo celiyey

Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho ku soo celisay 161 muwaadiniin Soomaali ah oo muddo ku noolaa xeryaha qaxootiga ee Yemen, iyadoo howsha dib u soo celintooda lala kaashaday Qaramada Midoobay.

Dadkan oo u badnaa haween, carruur iyo kuwo da’ oo qeybtood xanuuno qabaan ayaa laga soo daadgureeyay xeryaha qaxootiga ee Basatiin iyo Al qaras, xilli dalkaasi ay ka jiraan dagaallo iyo xaalad amni oo sii xumaanaysa.

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliya ayaa tilmaantay in soo celinta muwadininta Soomaaliyeed ay kala kaashatay Hay’adda UNHCR si loo fududeeyo soo celintooda.

Dhanka kale, IOM iyo UNHCR ayaa booqday xarunta lagu qaabilayo dadka soo laabanaya, si loo xoojiyo diyaar-garowga iyo isku-duwidda hay’adaha. Sahay muhiim ah ayaa sidoo kale la sii diyaariyay sida ay sheegtay si wax looga qabto baahiyaha bani’aadamnimo ee dadka dalka kusoo laabanaya.

Soo laabashada dadkaan ayaa timid kadib markii ay Yemen ka dheceen dagaallo culus oo socda tan iyo horaantii bishaan September, una dhexeeya ciidamada dowladda Yemen ee caalamka uu aqoonsan yahay iyo kooxda Xuutiyiinta.

HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed