Waxaa caawa 6-dii Maqribnimo la soo gabagabeeyay codbixintii ka socotay goobaha Doorashooyinka qof iyo cod ee maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle, iyadoo hadda ay socoto tirinta codadkii ay shacabka dhiibteen. Doorashadan ayaa lagu dooranayay goleyaasha deegaanka iyo wakiillada labada maamul-goboleed.
Hirshabeelle, codbixintu waxay ka dhacday magaalooyinka iyo degmdooyin ka tirsan gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan, halka Galmudug oo doorashadan u tahay ku celis laga codeeyay 11 magaalo oo waaweyn. Goobaha qaar ayaa laga dareemay safaf dhaadheer, iyadoo kumannaan qof ay ka qaybqaateen hannaanka codbixinta.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in codbixintu si habsami leh uga qabsoontay 10 degmo oo Hirshabeelle ka tirsan iyo 11 degmo oo Galmudug ku yaal. Waxa uu sidoo kale sheegay in kumannaan shaqaale Soomaaliyeed iyo ciidamada ammaanka ay ka qaybqaateen xaqiijinta habsami-u-socodka doorashada.
Amniga ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Jowhar iyo Beledweyne lagu soo rogay bandow iyo xayiraad ku saabsan isu socodka gaadiidka, si loo xaqiijiyo amniga goobaha codbixinta.
Doorashada dib loogu celiyay Galmudug ayaa markii hore qabsoontay 30-kii July ee sanadkan, kaddib markii Maxkamadda Sare ay burisay natiijadii hore.
Dhanka kale, Hirshabeelle ayaa markii ugu horreysay si toos ah uga qaybgashay hannaankan. Hadda waxaa socda tirinta codadka, waxaana la sugayaa natiijooyinka rasmiga ah ee doorashooyinka labada maamul.
Isla arrimahaane, xogo cusub oo soo baxay ayaa ku soo waramaya in maanta Dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay dibadbax looga soo horjeedo doorashada oo ka dhacay Bariga magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan.
Dibadbaxayaasha iyo Ciidamada Amniga ayaa la soo wariyey inuu dhexmaray isku dhac, iyadoo dadweynaha ay ka soo horjeedaan Doorashada saaka ee Magaalada Beledwayne oo la tilmaamay in Bandow lagu soo rogay.
Weli laamaha Amniga faahfaahin kama bixin dhacdadan inta ruux ee dhimatay iyo tirada guud khasaaraha jira.
HBN Online Tv

