Ra’isalwasaare Xamse oo si adag uga hadlay waraaqdii Madaxweynaha Puntland u diray Qaramada Midoobay

Xamse Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay warqad uu Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, u diray Qaramada Midoobay, isagoo sheegay in aan la aqbali karin go’aamo dhaawacaya midnimada iyo qaranimada dadka Soomaaliyeed

Wuxuu sheegay in warqadda Deni u diray sida uu yiri ay wiiqayso midnimada ummadda Soomaaliyeed, isagoo ku dhaliilay inuu Qaramada Midoobay u gudbiyo baaq la xiriira sida uu hadalka u dhigay kala goynta dalka.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in waa sida hadalka uu u dhigaye waxyaabaha ku qornaa fariinta uu diray Deni ay raad ku yeelan doonto sooyaalkiisa dambe ee siyaasadeed.

Dhanka kale, warqadan oo warbaahinta ay heshay nuqul ka mid ah ayaa waxay sheegaysaa in waa sida hadalka loo yiriye Puntland ay wajahayso cadaadis kaga imanaya shacabka, kuwaas oo doonaya in ay si buuxda uga go’aan nidaamka Federaalka Soomaaliya.

“Puntland waxay wajahaysaa cadaadis kaga imanaya shacabka oo doonaya madax-bannaani buuxda ay kaga go’aan Federaalka,” ayaa lagu yiri warqada Puntland.

Khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka ayaa soo maray marxalado kala duwan, iyadoo labada dhinac ay isku khilaafeen arrimo siyaasadeed iyo kuwo la xiriira nidaamka federaalka.

HBN Online Tv

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed