Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn ee MSF ayaa walaac xooggan ka muujisay dagaallada sii kordhaya ee magaalada Baydhaba iyo saameynta ay ku yeesheen dadka rayidka ah iyo helitaanka adeegyada caafimaadka. MSF ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay ilaaliyaan dadka rayidka ah, bukaannada, shaqaalaha iyo xarumaha caafimaadka, isla markaana ay hubiyaan in dadka u baahan daryeel caafimaad ay si ammaan ah ku gaari karaan isbitaallada.
Dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha iyo hareeraha Baydhaba ayey sheegtay MSF inay tahay markii saddexaad oo dagaallo ay magaalada ka dhacaan tan iyo 17-kii Agoosto. Hay’addu waxay sheegtay in xarumaha caafimaad si weyn loo waxyeelleeyay, shaqaale caafimaadna la dilay, halka ambalaas la dhacay.
Sidoo kale, laba shaqaale caafimaad oo la shaqaynayay kooxaha MSF ayaa la dhacay, mid ka mid ahna uu dhaawacmay. Kooxaha caafimaadka ee ka howlgala Isbitaalka Gobolka Bay, oo la shaqeeya hay’adda ayey sheegay inay qaabileej 69 qof oo ku dhaawacmay rabshadaha, oo ay ku jiraan shan carruur ah.
“Waa markii saddexaad muddo lix toddobaad ah ee dagaallo ka qarxaan Baydhaba, taasoo cawaaqib xun ku yeelatay dadka rayidka ah. Waa wax aan la aqbali karin in dadka rayidka ah iyo adeegyada caafimaadka lagu dhex daro rabshadaha. Dadka dhaawacmay waxay u baahan yihiin daryeel caafimaad oo degdeg ah, balse qaar badan ma awoodaan inay gaaraan isbitaalka. Haddii daaweyn waqtigeeda ah la waayo, dadka qaar dhiig-bax ayay u dhiman karaan,” ayuu yiri Dr. Elshafie Mohammed, Wakiilka MSF ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Hay’adda ayaa sheegtay inay Saddex qof u dhinteen dhaawacyo. MSF ayaa sheegtay in waddooyinka muhiimka ah ee aada isbitaallada ay xirmeen tan iyo markii dagaalladu billowdeen, taasi oo adkaysay in dadka dhaawacmay iyo bukaannada kale ay helaan adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin.
MSF ayaa xustay in Isbitaalka Gobolka Bay ay gaareen 94 qof oo dhaawacmay, oo ay ku jireen 29 haween ah iyo 20 carruur ah, halka 4 qof ay dhinteen. Dagaallo kale oo dhacay 3-dii Sebtembar ayaa isbitaalka la keenay 71 qof oo dhaawacmay, oo ay ku jiraan 15 haween ah iyo 12 carruur ah, iyadoo hal qof uu dhintay.
Hay’addu waxay ka digtay in dad badan oo dhaawacmay ay weli awoodi la’yihiin inay helaan daaweyn, iyadoo la filayo in bukaanno badan ay isbitaalka soo gaaraan marka waddooyinka dib loo furo. MSF waxay ku baaqday in la ilaaliyo xarumaha caafimaadka, shaqaalaha caafimaadka iyo bukaannada, isla markaana dadka u baahan adeegyada caafimaad loo oggolaado inay si ammaan ah oo aan cabsi, dib-u-dhac ama carqalad lahayn ku gaaraan goobaha caafimaadka.
Weerarkan wuxuu kusoo aadaya 25 maalin kadib markii xoogagga Laftagareen ay weerar qaraxyo ku bilowday ka geystay magaalada Baydhabo 3-dii bishaan September 2026, iyada oo maamulka Koonfur Galbeed uu wacad ku maray in uu ka aarsan doono—iyada oo ciidamo ka mid kuwa dowladda ay ku geeriyoodeen.
HBN Online Tv

