Waxaa banaanbax maanta ay ku dhigeen magaalada Garoowe tobanaan waalidiin hooyooyin u badan ay baaq ugu direen Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay niyad-jab weyn ka muujiyeen halka ay ku dambeeyaan dhalinyaro ay dhaleen oo u gacan galay kooxaha Magafayaasha dalal marin ahaan looga gudbo.
Hooyooyin la hadlay warbaahinta, oo qaarkood watay boorar ay ku sawiran yihiin dhalinyarada ay sheegeen inay kooxo magafayaal ah ku haystaan dalal ay ka mid yihiin Liibiya, Nigeria iyo Morocco, ayaa sheegay inay la’ yihiin xiriirkii carruurtooda, ayna garan la’yihiin halka ay ku dambeeyaan, iyadoo dhaqaale aad u badan looga qaatay.
Waalidiinta qaarkood oo sheegay in carruurtooda lagu haysto Liibiya ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay ka caawiyaan sidii ay u heli lahaayeen Awlaadooda ka maqan.
“Awlaadyadii baa naga maqan, raggayagii, gabdhahayagii kuli, waxay ku xiran yihiin Nigeria, Liibiya, meelkasta waa ku xiran yihiin, waxaan ka codsaneynaa dowladdayada, madaxweynuhu ugu horreeyo inay noo raadshaan awlaadda aan qoraxdaa u taagan nahay oo guryahayagii aan u gadnay oo naga lumay,” ayey tiri hooyo sheegtay inay ka mid tahay dadka dhibanayaasha ah ee carruurta ka maqan yihiin.
Tirada dhalinyarada la sheegay in kooxaha magafayaasha ah u gacan galeen ayaa ku dhow 150 ruux, kuwaas oo waalidiintu sheegeen inaysan hayn xog ku filan oo ku saabsan nolol iyo geeri ilmahooda ka maqan.
“Anigoo ku hadlaya afka hooyooyinka dhalinyarada ka kooban 150-ka dhalinyarada ah ee maqan, waxaan baaq dheer u dirayaa Dowladda Federaalka in carruurtayadii cadaalad helaan,” ayey tiri hooyo kale oo hadashay.
Sidoo kale, waalidiinta kale ee hadlay ayaa dhaliilo culus u jeediyay masuuliyiinta ku matala Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay tilmaameen inay iska dhaga-tireen sida ay hadalka u dhigeen codsiyo tiro badan oo ay la wadaageen.
HBN Online Tv

