Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda ay dadaal iyo awood badan gelisay sugidda amniga magaalada Muqdisho, gaar ahaan ka hortagga weerarrada Alshabaab oo si weyn hoos ugu dhacay.
Fiqi wuxuu sheegay in weerarrada waxa loogu yeero argagixisadu ay yaraadeen qiyaastii 87% isla markaana amniga Caasimadda dalka uu gaaray heer sare, iyada oo hadda la wado qorshyaal kale oo uu tilmaamay kuwa inta dhiman wax looga qabanayo.
Sidoo kale, Fiqi ayaa ka hadlay khatarta ka dhalan karta abaabul ciidan iyo maleeshiyaad uu sheegay inay sameeyaan siyaasiyiinta mucaaradka. Wuxuu si gaar ah uga digay tallaabooyin uu sheegay inay wax u dhimi karaan amniga iyo xasilloonida dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay in aan loo dulqaadan doonin sida uu hadalka u dhigay cid kasta oo isku dayda inay amniga waxyeello u geysato.
Wasiirku wuxuu si adag uga digay mucaaradka inay abaabulaan maleeshiyaad, isagoo yiri “Yaan naxariis loo sameyn cid kasta oo gacanteeda soo taagta oo amniga dhibaateysa. Nimankan mucaaradka haddii ay abaabulaan maleeshiyaad, gacan bir ah ha lagu qabto”.
Hadalkan ayaa muujinaya mowqifka Dowladda ee ku aaddan ka hortagga hubeynta ama abaabulka kooxo aan dowladdu gacanta ku hayn oo hub ku dhex wata caasimadda Muqdisho.
Ugu dambeyn, Fiqi wuxuu tilmaamay in amniga Soomaaliya lagu bixiyay naf iyo dhaqaale badan, sidaas darteedna aan la fududeysan karin wax kasta oo khatar gelin kara. Wuxuu sheegay in “Amniga wiilal qaali ah lagu weynay” aan lagu beddeli karin wax uu ku tilmaamay lacag yar, isaga oo mar kale ku celiyay baaqa ah in si adag loola tacaalo cid kasta oo isku dayda inay wax u dhinto amniga dalka.
Ilaa hadda mucaaradku kama jawaabin eedeymaha wasiir Fiqi u jeediyey eek u aadan in qalqal-galin amni iyo dhaqaalaha uu sheegay inay bixisay dowlad kale oo uusan sheegin, balse Mucaaradka ka heleen.
HBN ONLINE TV

