Banaanbax ka dhan doorashada Hirshabeelle oo ka dhacay Beledweyne

Waxaa maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo hannaanka loo wajahayo doorashada Hirshabelle, halka ay gadaal ka riixayaan siyaasiyiinta qaar beelaha dega gobolka oo saluug weyn ka muujiyey saamiga siyaasadeed ee maamulka.

Boqolaal qof ayaa bartamaha magaalada isugu soo baxay, iyaga oo ka cabanaya waxa ay ku tilmaameen doorasho hal dhinac ah oo lagu qabanayo deegaannada maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale, Dibadbaxayaasha ayaa ka soo horjeeda musharraxnimada Madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen, oo dhawaan loo aqoonsaday musharraxa u tartami doona xilka madaxweyne ee maamulka.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa sheegay in banaanbaxu yahay mid nabadeed, isla markaana lagu taageerayo Waxgaradka iyo siyaasiyiinta gobolka ee Hirshabeelle. Tobankii maalin ee la soo dhaafay waxaa magaalada Beledweyne ka dhacay shirar xasaasi ah oo laga saaray bayaano si adag uga soo horjeedda in wax doorasho ah lagu qabto 7 degmo oo loo asteeyey Hiiraan in doorashadu ka dhacdo.

Isha ku haay HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed