Tiro lagu qiyaasay in ka badan 5.4 milyan oo Soomaali ah ayaa laga digay inay wajihi doonaan heerar qalalaase cunto-yari ah ama ka sii daran inta u dhaxaysa seddexda bil ee soo socda ee sanadkan 2026, sida lagu sheegay qiimeyntii ugu dambeysay ee hay’adda IPC. Tiradan waxaa ka mid ah 1.5 milyan oo qof oo wajahaya xaalad degdeg ah oo cunto-yari ah ama ka sii daran.
Warbixintu waxay sheegtay in dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Baydhabo ee deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay wajahayaan khatar macaluul iyo nafaqo-darro aad u daran, iyadoo fatahaadaha la filayo inay sii mrujiyaan xaaladda. Si kastaba, qiimeynta khatarta macaluusha ee Baydhabo waxay ku saleysan tahay xog la ururiyey Abriil 2026, waxaana la qorsheeyay qiimeyn cusub bisha soo socota ee Oktoobar si loo xaqiijiyo xaaladda.
Sidoo kale, waxaa la saadaalinayaa in 1.92 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay 5-ta sano ay u baahan doonaan daaweyn nafaqo-darro ba’an inta u dhexeysa bilaha Luulyo ee sanadkan 2026 iyo Juun ee sanadka dambe ee 2027, iyadoo 433,000 carruur ah ay wajihi doonaan nafaqo-darro ba’an oo daran. Qiyaastii 62% culayska nafaqo-darrada dalka ayaa ku badan dadka ku nool Miyiga.
Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa ka digay in fatahaadaha la filayo xilliga Deyrta, oo lala xiriirinayo saameynta El Nino ay barakicin karaan dad badan, isla markaana dhaawici karaan dalagyada iyo xoolaha.
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) ayaa waxay qiyaastay in 2.5 ilaa 3.5 milyan oo qof ay fatahaaduhu saameyn karaan, halka ku dhowaad 1 milyan oo qof laga yaabo inay ka barakacaan deegaannada ay beeraha iyo xoolaha ku tiirsan yihiin.
SoDMA ayaa tilmaantay in 29 degmo oo ku kala yaalla 14 gobol ay yihiin kuwa sida weyn ugu nugul fatahaadaha webiyada iyo daadadka roobka, iyada oo sheegtay in digniintu aanay ahayn cabsi gelin, balse loogu talagalay in bulshada la siiyo fursad ay hore ugu diyaargarowdo, si loo yareeyo khasaaraha naf iyo maalba.
HBN Online Tv

